Dil ka dhacay Muqdisho iyo faah-faahin kasoo baxeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd oo maanta ah magaalada Muqdisho ka dhacay dil ay dabley hubeysan u geysteen Wiil dhalinyaro ah oo xarun ganacsi ku lahaa degmada Howl-Wadaag.

Wiilka oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Awalad Yare ayaa waxay dableyda hubeysan ee dishay ugu tagtay Studio uu kulahaa degmada Holw-Wadaag, gaar ahaan meel u dhow Hotelka Baar Bakiin, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ah.

Cabdulqaadir AUN ayaa waxa uu ahaa Muuqaal duube (Cameraman), wuxuuna u geeriyooday xabado dhowr ah oo ay ku dhufteen kooxdii weerarka fulisay, oo markii dambe iskaga baxsaday goobta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in wiilka dhalinyarada ah ee la dilay uu ahaa kamid ahaa Sawir-qaadayaasha Taliyaha Asluubta Soomaaliyeed, inkasta oo shaqadiisu u badneyd oo caan ku ahaa duubista aroosyada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Kadib dilka waxaa goobtaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaasi oo meydka qaaday, islamarkaana bilaabay howl-galo lagu baadi-goobayo dableydii ka dambeysay dilkan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa muddooyinkii dambe kusoo badanayay dilalka qorsheysan iyo qaraxyada, xili uu marayo dalka marxalada xasaasiya, waxaana mas’uuliyadeeda weeraradaas sheegta Al-Shabaab, oo iyadu dagaal kula jirta dowladda.