31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Dil qorsheysan oo maanta Muqdisho ka dhacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa barqonimadii maanta dil ka geystay degmada Wadajir ee gobolka banaadir, iyaga oo dilay sarkaal lasheegay inuu ka tirsanaa hayada nabad sugida Soomaaliya.

Kooxaha hubeysan ayaa gaari ay wateen waxay ku horgooyeen gaari kale oo uu la socday sarkaalka nabad sugida ka tirsan.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo dilka ka dib tagay goobta falka uu ka dhacay ayaa bilaabay baaritaano ay ku raadinayaan dadka falka ka dambeeyay, laakiin sida lagu yaqiinay kooxaha dilka geystay wey ka baxsadeen goobta.

Lama sheegin magaca sarkaalka katirsan NISA ee lagu dilay magaalada Muqdisho, laakiin waxaa gaariga la saarnaa sida la sheegay ruux dalaaley ahaa.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in kooxaha hubeysan ay sidoo kale dhaawaceen haweenay ku sugneyd goobta dilka uu ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News