Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoonka Aadan Cadde ee magaaada Muqdisho, ayaa sheegaya in gudaha Garoonka uu ka dhacay Shil diyaaradeed.
Shilka ayaa waxaa la sheegayaa inay gashay Diyaarad nooca qaadka keena oo laga leeyahay dalka Kenya, taasi oo wakhtiga shilka waday Qaad laga keenay dalka Kenya.
Sargaal ka howlgala Garoonka Aadan Cadde ayaa Idaacadda SMN ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in diyaaradaasi ay shilka gashay kadib markii ay lugaha u bixi waayen.
Sargaalka waxa uu sheegay in dhibaato farabadan kadib uu duuliyaha ku guuleystay in uu soo caga-dhigo Diyaarada, hasa-ahaatee markii ay soo caga-dhigatay Diyaarada Garoonka ay ka baxday wadada Runway-ga oo ay Diyaaradahu ku socdaan.
Shilka diyaarada kadib ayaa la sheegay in hakat uu ku imaaday duulimaadyadii ka socday Garoonka, inkastoo markii danbe dib loo furay.
Sikastaba, Amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa aad loo adkeeyay wixi ka dambeyay markii la qarxiyay Diyaarada Daallo airlines labada Bishii February ee Sanaddan 2016.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

