DILKII SAADO: Maxaan ka Kororsadey?

23-Bishan July 2:00 Duhurnimo aniga waxaan ku sugnaa dhismo aad ugu dhow wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama Xaafadda Taleex waxaa goobtaasi igu wehliyay Suxufiyiin Dhowr ah, jawiga xilligaasi caadi ayuu ahaa xaafadda aan ku sugnayna waxa ay ahayd meelaha ugu amniga badan Muqdisho aadna ugu dhow Wadada Maka Al-Mukarama.

Mar qura waxaan maqalnay Xabad dhanka laamiga ah markii aan fiirinay waxaan arkaynay laba gaari oo iscayrsanaya Xabado xoogana wey dhacayeen Qiiq xoogan ayaa ka baxay gaariga Xabadaha ku socdeen,waan baqnay oo waxaan ku gabaadsanay meeshee aan ku sugnayn waqti aan ku qiyaasay in ka yar Hal daqiiqo Xabadihii wey joogsadeen,aniga iyo saaxibadeen ila joogay waxaan si dhaqsa ah ku abaarnay gaariga goobta yaalay waxaana Gaariga hareera taagnaa Dadkii goobta ka dhawaa Gaariga wuu daarnaa oo ma Damin Darbi ayuu madaxa kula jiray markii aan gaariga gudaha u fiirnay waxaa dhaxyaalay laba ruux Sheekada goobta waxa ay ahayd Nin iyo Naag ayaa lagu dilay gaariga ma jirin xog intaasi dhaafsiisan.

Dadka goobta soo gaaray oo qaarkood ay ku jireen Haween waa ay qabeen dareenka ah in qofka la dilay ay tahay xildhibaan laakiin wax magac ah maysan muujin waxaa xusid mudan in Sedex ka mida ciidamada Police oo sheegay in ay maqlayeen Xabadaha ay goobta soo gaareen kuwaasi oo isku hareereeyay goobta gaariga uu yaalay,Dadka qaar waxa ay dalbayeen in la qaado Darawalka oo ay ku sheegayeen dhaawac balse Dadka u soo joogay daruufa dhimasho ayaa ku qancinayay Dadka dareenkaasi qaba in qofka Maskaxdiisa ay banaanka taalo aniga naftayda waan arkayay in uu dhaq dhaqaaqayo Wadaha Gaariga.

Muddo aan ku qiyaasay 15 daqiiqo ah kadib ayaan mar kale waxaan fiiriyay wajiga Marxuumad Xildhibaan Saado Cali oo aan aqaanay iyada oo dareenka la xariira in qofka la dilay ay tahay mas’uul markii aan arkay wajigeeda mar qura ayaa dareenkayga isbedelay oo aan xaqiiqsaday in ay tahay Xildhibaan Saado Cali aan aqaanay waxaan u sheegay Dadka goobta joogay oo sheekada dilka ayaana isbedeshay oo waxaa meesha ka baxday Nin iyo Naag waxaana dareenku noqday Xildhibaan Saado ayaa la dilay.

Ciidamada goobta ku sugnaa ee Police Soomaaliyeed waxa ay sii kordhiyeen xariirka Teleefan oo ay la sameenayeen Xarumahooda Police-ka iima muuqan qalab isgaariin oo casri ah oo aan kala jeedo Qalab mideeye dhawaaqa guud ee Hay’adaha amaanka waxayse aad u isticmaalayeen Mobile gacmeedkooda,ma jirin wax Ambulance ah taasi oo ka dhigan in haddii Dadkana ay dhaawacmi lahaayeen uu Dhiig baxoodu badnaan lahaa maadaama gurmadku soo daahay oo sidii loo baahnaa aysan u jawaab celin Hay’adaha Amaanka.

Saraakiisha Amaanka marka ay ka hadlayaan dhacdooyinka amaanka waxa ay ku cel- celiyaan Shaqada Policeka waa ka hortag iyo ka daba tag taasi oo xilligan ay badan tahay ka dabatag oo waxaa yar ka hor taasi oo daliil u ah dilalka qorshaysan ee ka dhaca Muqdisho .

Maxay ku la tahay haddii ay arintan ka dhici lahayd meel ka baxsan Maka Al-Mukarama intee la ekaanlahaa Gurmadka ciidamada Ammaanka ? malaha in aan ku sii dheeraado waxaase u daynayaa Bulshada inteeda kale

Hadaba Muddo 40 Daqiiqa ah kadib maxaa Dhacay ???

Goobta waxaa soo gaaray Saraakiil kala duwan oo ka socday Hay’adaha amaanka kuwaasi oo iskugu jiray Police iyo Nabadsugid goobtii Maydka marxuumad Saado Cali waxa ay isku badashay Gaadiidka dagaalka waxaana ii muuqaday Saraakiisha ugu sarayso amaaanka oo waxaa goobta yimida Agaasimaha Hay’adda sirdoonka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Cali Sambaluulshe,Taliyaha Police Soomaaliya General Maxamed Sh Xasan Ismaaciil iyo Saraakiisha heer Gobol sida Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir Koofi waxaana goobta isku badashay goob ciidan oo madaxda waxaa lala garab taagnaa Hubka nuucyadiisa kala duwan.Dadkuse waxa ay si hoose iskugu sheegayeen “Goormaa loo baahnaa sidan “ Dadka oo goobta laga hortaagnaa ayaa iyana sheegayay “Xilligan cidna ma idiin baahna “taasi oo ku dhaliilayeen sida amaanka gaabis u yahay.

Casharada aan ka bartay Dilkii Xildhibaan Saado ayaa ah in aysan jirin ciidamo si gaar ah u qaalbisan ka jawaabidda dhacdooyinka deg deg ah waxaa kaloo meesha iiga muuqatay in Gaadiidka dagaalka uu ahaa mid aad ugu badan loo baahnaa in cid si gaar u qaabilsan ay u samayso Dowladad Soomaaliyeed waxaa kaloo meesha iiga muuqatay in aysan sahlanayn isfahamka ciidamada goobta soo wada gaaray waayo waxa ay cid walba ay si gaar ula socotaa Sarkaalka ay ilaalada u tahay oo keliya .

Ugu Dambayntii waxa aan ku arkay goobta una baahan in wax laga Kororsado ayaa ah in ciidamada goobta yimid ay mid walba oo ka mida u sahlanayd in uu Wariyaasha ku amro in aysan wax sawir ikarin ama ay yiraahdaan halaga saaro goobta taasi oo ay wanaagsanaan lahayd in amarka uu ka yimaado madaxda oo aan ogahay in aysan saxaafadda wada nacbeen halku uu go’aan gaari lahaa ilaalada ay wataan taasi oo ah mid soo noq noqotay

W/Q: Cabduqaadir Maxamed Cabdulle (Cabduqaadir Ok)

E-Mail abdulqaadir20112011@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid