Diyaaradaha Ethiopian Airline oo wajahaya halis weyn kadib hanjabaad ay soo saartay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabhadda hubeysan ee Amxaaradda ah ee Fano ayaa digniin u dirtay hay’adda duulista Itoobiya oo ku saabsan diyaaradaha Ethiopian Airlines, oo ay ku eedeysay in ciidanka Itoobiya u isticmaalan duubulidda ciidamada.

FANO oo qoraal ku baahisay baraheeda warbaahinta ayaa sheegatay in ay qabsadeen gantaalo lidka diyaaradaha ah oo awood u leh in ay damiyaan ama joojiyaan hawlaha diyaaradaha ganacsi ee shirkadaas. Sidoo kale waxay shaacisay in ay haystaan gantaalo gaaraya 40,000 feet oo dhanka hawada ah.

Ethiopian Airlines ayaa dib u jihayn ku sameysay khadkeeda duulimaadyada ee hawadaha gudaha dalkaasi sababa la xiriira khatarta ka timid dhanka Jabhadda Fano, sida lagu helayo xog dhanka duulimaadka ah.

Duulimaadkeedii ka imaanayeyey Europe, Waqooyiga Mareykanka iyo Asiya ayaa mar hore khadadkooda dib u jihayn looga sameeyay.

Ethiopia ayaa hadda mareysa meel is-goys ah, kadib markii Jabhadaha mucaaradka Itoobiya ay dib isu soo abaabuleen, waxaana ay fagaareyaal dagaal oo dhawr ah uga soo adkaadeen ciidanka maamulka Abiy.

Arrintan ayaa imaneysa maalmo kadib markii dowladda Itoobiya weerar culus ku qaadday Jabhaddaan oo ku sugan Waqooyi-galbeed gobolka Amxaaradda, islamarkaana uu tan iyo toddobaadkii hore uu socday dagaal qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Fano, kaasi oo ku dhex-marayay qeybo kala duwan oo gobolka ah.

Si kastaba, khatartaan soo korortay ee duulimaadyada ganacsi ayaa waxay khatar kale gelinaysaa dhaqaalaha dhamaan gobollada dalkaasi.