Diyaarado ciidamo siday oo ka degay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Illaa labo diyaaradood oo siday ciidamo Boolis ah ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo tiradooda aan la shaacin ayaa saaka aroortii hore laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamadani oo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ayaa lagu kordhiyey ciidamada ilaalinaya ammaanka garoonka Dhuusamareeb oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Ahlu Sunna ay uga digtay qorshaha Ciidamada dowladda lagu geynayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Sidoo kale saacadaha soo socda la filayaa in magaaladaasi ay gaaraan wufuud ka socota dowladda, kuwaas oo ka qeyb galaya furitaanka shirka sib u heshiisiinta Galmudug.

Shirkan oo muhiim u ah in la qabto doorashada Galmudug ayaa waxaa jira khilaaf hareeyey, kaas oo soo kala dhexgalay guddiga ay dowladdu u saartay shirkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com