Duqa cusub ee Muqdisho oo kulamo xasaasi ah wada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa kulamo xasaasi ah ka wada gudaha Caasimada.

Guddoomiyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed oo booqasho ugu tegay hoygiisa.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan maamulkiisa.

“Waxaa xalay ilaa iyo shalay kulamo kala duwan laqaatay qaar kamid ah waxgaradka soomaaliyeed kuwaa oo iigu yimid hambalyo iyo bogaadin ku adan xilka la’iimagacaabay .

Hambalyo kadib waxay isoo jeediyeen dar daaran iyo duco waxaana kadalbaday in maamulka cusub ee aan hogaanka u ahay ay nala shaqeeyaa.”  ayuu yiri guddoomiyuhu.

Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii Cumar Finish loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com