Qoyska GABAR loo dilay sawirka Axmed Madoobe dartiis oo war soo saaray

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaa ka dhacay Jimcadii 23.08.2019, dhacdo aad u xanuun badan. Ciidamo uu hoggaaminaya Koloneyl Cabbaas Gurey ayaa magaalada Ceelwaaq waxay ku toogteen gabadh dhalinyara ah oo lagu magacaabo Ridwana Nur Ibrahim Mumin.

Ridwana waxay u geeriyootay dhacdo ugub ah oo ah inay diiday inay lusho sawirka Axmed Madoobe, sida ay shaaca ka qaadeen qoyskeeda.

Waxaa jidka laamiga dhinaciisa oo dad badan joogeen looga codsaday inay qaaddo sawirka Axmed Madoobe oo ay lusho, balse way diiday.

Markii in dhawr mar ah si canaan iyo qaylo ku dheehan tahay loogu sheegay inay sawirka qaaddo oo ku dabbaaldegto, ayey si kutalogal uga qaadday dabeetana ay tuurtay, markaas ayay xabbado ku fureen askartii Cabbaas Gurey, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Aabaha dhalay gabadha ayaa warqad uu soo saaray caddaalad uga dalbaday dowladda Soomaaliya oo ciidamada dilka gaystay ay u diiwaan gashan yihiin.

Mohamed Tahir Abdi
Helsinki, Finland
mohamed1@live.fi