Wada-hadalladii u socday Korneyl Caare iyo Somaliland oo fashilmay

Hargeysa (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee gar wadeenka ka ahaa wada-hadallada Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caare) iyo Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inay gabi ahaan joojiyeen dhex dhexaadintii ay ka wadeen labada dhinac.

Madax dhaqameedyadan oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn u jeediyey taliyaha ciidamada Milariga maamulka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani, iyagoo si weyn uga horyimid hadal ka soo yeeray taliyahaas oo ka dhan ahaa guddigooda iyo Korneyl Caare.

Odayaasha ayaa tilmaamay in taliyuhu uusan u hadlin si masuuliyad leh, islamarkaana uu Caare iyo beeshiisaba u gefay, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen Taliye Taani inuu ku fashilmay howlihii nabad gelyada ee loo igmaday, islamarkaana ay haboon tahay inuu is casilo.

Ugu dambeyn waxa ay ka dalbadeen madaxweynaha Somaliland, haddii uusan raali ka aheyn hadalka taliyaha inuu soo farageliyo arrintaasi.

Dhowaan taliye Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caare) uu dambiile yahay, islamarkaana ay maxkamaddiisu furan tahay.

Wada-hadallada labada dhinaca ee fashilmay ayaa horseedaya in ay sii xoogeysato xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Korneyl Caare oo hoggaamiyo jabhadda Dulmi Diid ayaa inta badan weerara xarumaha ciidamada Somaliland ee ku yaalla gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com