Xildhibaan reer Somaliland ah oo hal arrin ka dalbaday Axmed Madoobe (Aqriso)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Naasir Cali Shire, oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay doorashadii Axmed Madoobe loogu doortay madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Naasir ayaa Axmed Madoobe ugu hambalyeey xilka uu markale ku guuleeystay ee hogaaminta Jubbaland, isagoona ka dalbaday in uu ku marti qaado xaflada caleemo saarkiisa.

Xildhibaanka ayaa Axmed Madoobe ku tilmaamay halyeey geesiya oo ka gil-gishay cabudhin iyo xaqiraad ay la damacsaneed xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, oo uu ku sheegay mid rabta inay xoog wax ku muquuniso.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka hadlayey arrimahaasina, wuxuu si adag u cambaareeyay dowlada federaalka, taasi oo uu ku tilmaamay mid kali-talis ah, wuxuuna yiri “Anigoo ah Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, waxaan hambalyeynayaa, oo aan leeyahay hambalyo guusha uu ku soo baxay Madaxweynihii Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)”.

“Axmed Madoobe guushaasi uu gaadhay waxay nabar iyo naxdin ku tahay, hawsha kaligii talisnimada ah ee qolada Muqdisho ka talisa ee ay doonayaan inay ku baabiyaan wadanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, caqliyada ka shqaysa ee hadda ka talisa Magaalada Muqdisho waa qolo ay Maskaxoodu gabowday”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxayna wadaan inay cubudhin, cadaadis iyo xoog ay wax ku socodsiiyaan, sidii umadda Soomaaliya ee dhawr iyo labaatanka sanno dagaalku ku socoday loo maamuli lahaa, loona dajin lahaa halkii ay ka sameeyn lahaayeen ayey bilaabeen tii hore ee u horseeday burburka iyo halaaga, oo ahaa in xoog iyo ciidan wax lagu muquuniyo”.

“Axmed Madoobe waa nin geesiya, waa nin halyey ah, wuxuu ka gil-gishay wixii la doonayey in lagu sameeyo ee ahayd in la cabudhiyo, wuxuu ka gil-gishay in la xaqiro, waxaan leeyahay halyey ayaad tahay, waxaad ka soo jeeda Darwiishkii Sayid Cabdale Xasan, waana ku hambalyeynayaa, waxaana ka codsanayaa in maalinta aad sameeynayso caleema saarkaaga inaad igu casuunto, si aan ku taageero”.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa