Document: Dacwad xasaasi oo maamulka Jubba ka dhan ah oo loo gudbiyey BEESHA caalamka !!

Ku: Dowladda Federaalka Soomaaliya                            Muqdisho

Ku: Baarlamaanka Federalka Soomaaliya                                  Muqdisho

Ku: Wakiilka Qaramada Midobay ee Soomaaliya                       Muqdisho

Ku: Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya                           Muqdisho

Ku: Wakiilka Mereykanka ee Arimaha Soomaaliya                    Muqdisho

Ku: Wakiilka Midowga Afrika ee Arimaha Soomaaliya               Muqdisho

Ujeeddo: Wargelin

Anagoo ah Beelaha Soomaaliyeed ee Asal ahaan Degaankoodu yahay Gobolada Jubooyinka, waxaan halkaan ku Cadeeneynaa Xaqiiqda Dhabta ah ee ka jirta Goboladaan Gaar ahaan Degmada Kismaayo.

Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa 24 kii sano ee la soo dhaafay la daala dhacayey Bur-bur iyo Barakac ay sababeen Colaadihii sokeeyey ee Dalka ka jirey, balse Rajo iyo yididiilo ayaa soo gashay markii dalku qaatay nidaamka federaalka ah iyagoo rajo ka qabay in sadexda Gobol ee Gedo, J/Hoose iyo J/dhexe ay shacuubta ku dhaqani mar uun dhisan doonaan Maamul goboleed ay dadku leeyihiin oo hoos taga Dowlada Dhexe. Rajadaasi waxay meesha ka baxday markii Dowlada Itoobiya ay keentay Axmed Madoobe oo ah Muwaadin u dhashay dalka Itoobiya kilalka 5aad Dowlada Keynyana ay ku ayiday iyadoo la Bur-buriyey Ciidamadii deegaanka ee lagu soo Tababaray Dalka Keynya laguna Bedelay Ciidamada Raas kaambooni ah iyo Ciidamo laga keenay Kilalka 5aad oo qabiil ahaan isu soo baheystay Itoobiya Gadaal ka riixeyso.

Cidamadaas oo Degmada Kismaayo Ka geestay Dil, Boob, Barakicin iyo Dhul Boob aan Horey u soo marin Beelaha Deegaanka. In kastoo dadkaas dhibaatooyin lixaad leh loo geystay haddana ma aysan quusan ilaa laga soo gaarey bishii Abriil sanadka 2015ka. Xilligaas oo Axmed Madoobe iyo Gabre oo Itoobiya ka socda iyo Maxamed Cabdi Afeey oo Kenya ka socda ay si kedis ah u yiraahdeen waxaan dhisnay 75 xildhibaan oo ay gobolada Jubbooyinku Leeyihiin. Arrintaas oo aan waafaqsaneyn dastuurka dowaladda federaalka ah ee Soomaaliya, sharciyad kalana ku saleysneyn balse la rabo oo kaliya inay Axmed Madoobe iyo Itoobiyaankisu ku xalaaleystaan haysashada dekeda Kismaayo iyagoo raba inay ka hor istaagaan dadka deegaanada Jubbooyinka inay dhistaan maamul xalaal ah oo ay dadku u doortaan muwaadiniin dalka iyo deegaanka u dhalatay.

Haddaba hagar daamadaas dowladda Itoobiya wakiiladeedu ku hayaan dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubbooyinka waxay muujineysaa cadowtinimada fog ee waddamada deriska ah qaarkood ku hayaan ummadda Soomaaliyeed halka shacabka Soomaaliyeed inta ay u qaxeen dibadaha uu ku yimid isbeddel xagga fikirka ah oo ku saleysan derisnimo wanaag,

saxiix