Xog kasoo baxeysa dilkii loo geystay mas’uul ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar lagu qaaday Mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Somalia.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay Degmadda Wadajir gaar ahaan wadada korontada, waxaana la sheegayaa in weerarkaasi uu ku dhintay Mas’uulkaasi iyo darawalkiisa.

Mas’uulka weerarka lala eegtay ayaa ahaa Madaxa maaliyada wasaarada qeybteeda Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Kooxda Raggasi dishay ayaa gaari ku hor jartay Gaariga ay la socdeen kuwa la dilay.

Dilkaani ayaa waxa uu imaanayaa xili asbuucii tagay Sargaal ka tirsanaa Magareeshinka loo geystay dhaawac, xili uu ku sugnaa Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com