Mooshinka baarlamanka JUBBALAND oo maanta laba arrin midkood noqon doona, kullanka BFS!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa iney cod u qaadaan dhismaha baarlamaanka Maamulka Jubba oo dhamaadka todobaadkii hore doodiisa la soo gabagabeeyay.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan cod u qaadista dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubba inkastoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu shaaciyay in Maanta oo Sabti codka loo qaadayo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli ku doodayo in ay muhiim tahay in si deg deg ah codka loogu qaado dhismaha baarlamaanka Maamulka Jubba isla markaana aysan saameyn ku yeelan doontid soo jeedinta Golaha Wasiirada eela xiriiray Hakinta Mooshinka hor yaalla Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Nuur Mataan oo ka mid ah Xildhibaanada dhaliilsan dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubba oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay codsigii Golaha Wasiirada, Waxa uuna xusay in Mooshinka hor yaalla baarlamaanka la mariyo wadada sharciga ah codkana loo qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com