Xildhibaanno ku dheggan xukuumadda R/W CCC

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Xildhibaanada BF Somalia ay Xukuumada Somalia ku dhaliilayeen inay faragalin ku heyso Mooshinka laga keenay Baarlamaanka Jubba ayaa waxaa arrintaasi digniin culus ka keenay qaar kamid ah Xildhibaanada BF Somalia.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii saxiixay Mooshinkii Jubbland ayaa ugu baaqay xukuumada Somalia in ay faraha kala baxdo Mooshinka ka dhanka ah soo xulista Xildhibanada Jubbland.

Xildhibaan Dahir Jeesow ayaa Xukuumada uga digay inay ka gaabsadaan Howlaha u yaala BF waxa uuna ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan Mooshinka ama ay faragalinta joojiyaan.

Waxa uu sheegay in BF uusan faragalin ku sameyn Howlaha horyaal Xukuumada, iyaguna looga baahan yahay inay ka gaabsadaan Mooshinada horyaal BF.

Sidoo kale, Xildhibaan Magan iyo Samaan, ayaa dhankooda ka sheegay in BF Somalia ay ka go’an tahay inay la xisaabtamaan Maamulada dalka, Jubbaland iyaduna ay ka mid tahay Maamulada u baahan in wax laga weydiiyo Howlaha ay u hayaan Shacabka ku hoos nool Maamulka, gaar ahaan sinaanta Beelaha halkaasi wada dega.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili kulankii u dhexeeyay Golaha Wasiirada ee ku beegneyd Khamiistii lagu soo hadalqaaday Mooshinka, Golaha BF ayaa soo jeediyay, waxa ayna Xukuumadu sheegtay in mooshinka la joojiyo, loona saaro gudiyo dhexdhexaad ah oo baaris ku sameeya cabashooyinka ay soo jeedinayaan dadka kasoo jeeda Jubaland.

Xildhibaanada saxiixay Mooshinka ayaa weli ku adkeysanaayo in la meel mariyo Mooshinkaasi, si cadaalada looga hirgaliyo Deegaanada Jubbaland oo beelaha qaar laga soo miyay kamid ahaan shaha Baarlamaanka Jubba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com