Wafdi heer caalami ah oo ku wajahan KISMAAYO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hordhac ah oo aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, ayaa sheegaya in Magaaladaasi ay ku wajahan yihiin Wafdi ka socda Dowlada Sweden.

Wafdigaani oo isugu jira Diplumaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu horboodayo Danjiraha dalka Sweden u fadhiya dalka Somalia.

Xog aan helnay ayaa tibaaxeysa in Danjiraha maalmo ku nagaan doono magaalada Kismaayo, halka Wafdi kale oo ka socda isla wadankaasi ay booqashadooda kadib dib ugu laaban doonaan dalka Sweden.

Ujeedka wafdigaasi gaari doona Magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inuu yahay mid salka ku heysa indha indheynta Xarumaha Maamulka, Xerooyinka ciidanka iyo Mashaariic gaar ah oo ay ku caawin doonaan Maamulka Jubbaland.

Dhanka kale, Booqashada wafdigaasi oo diyaar garowgiisa laga dareemaayo Kismaayo, ayaa waxaa lagu wadaa in kulamadooda ay kasoo bixi doonaan arrimo waxtar u leh Maamul goboleedka Jubaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com