Document: Liiska ardayda heshay deeq waxbarasho iyo DF oo rabta inay beeciso

Khartuum (Caasimada Online) – Dowladda Suudaan ayaa ogolaatay dhammaan ardayda Soomaaliyeed deeq waxbarasho oo isugu jirta barashada caafimaadka, beeraha, iyo kuwo kale.

Tirada Ardayda loo ogolaaday waxbarashada ayaa gaareysa 137 arday. Qaar ka mid ah howlwadeenada wasaarada waxbarashada ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in la rabo in deeqaha waxbarasho la iibiyo oo dhammaan ardaydii xaqa u lahayd oo la siiyay boosaskoodii la iibsado.

Haddaba dhammaan ardayda magacyadooda aay ku qoran yihiin liiskan ayaa waxaa lagu wargelinayaa in aay ogaadaan in aay heleen deeq waxbarasho isla markaana aay la xiriiraan wasaaradda waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada iyo RW CCC ayaa ku doodaday in lixdan (60) ka mid ah deeqahan loo weeciyo dhanka Jubbaland iyo Puntland.

Arrintan ayaa keeni doonta qalalaasi siyaasadeed iyadoo ardayda Soomaaliyeed aay hadda abaabulayaan bannaanbaxyo ka dhan ah RW CCC & Wasiirka Waxbarasha Cabdulqaadir Xaashi.

Hoos ka aqriso magacyada ardayda heshay deeqaha waxbarasho ee dalka Suudaan.

img-20161026-wa0002
img-20161026-wa0000img-20161026-wa0001
Caasimada Online
Xafiiska Khartuum
caasimada@live.com