Documents sir ah: Yaan been laguu sheegin, waxa hadda ka socda Somalia ayaa socday 1952.

Waxaan idin soo bandhigayaa dhacdooyin kuwa maanta socda u eg, balse dhacayay 1952-kii, 67 sannadood ka hor!

Bilowgii sannadkaan, waxaa la iiga wacay meel looga hadlayo “Sida lagu soo celin karo midnimada iyo is jaceylkii lagu yaqiinay Soomaalida, dagaalada qabiilka iyo fara-gelinta shisheeyaha looga gudbi lahaa”. Waxaan meesha ka sheegay war aysan odayaasha qaar jeclaysan. Waxaan iri:
” Soomaaliya umma baahna in wax loo soo celiyo, midnimo shacab la soo celiyana ma soo marin, waxaan hadda jirana weligoodaba way jireen, maad fikirkiina gelisaan in wax cusub la doonno”. Oday ayaa i wacdiyay, oo markii dambe igu yiri, “warayso ragga kaa waaweyn, berri sammaadkii ha lagaa sheekeeyo”.

Berri sammaad ma jiro! Waxa hadda dhacaya boqollaal sannadood ayay dhacayeen. Bal eeg qoraalkaan ay keydiyeen Sirdoonka Maraykanka 1952-kii.

Dagaalada Qabiilka iyo Ajnabiga Na Dhexdhexaadiya:

1- 27 October 1952: Beesha Sacad Habargidir ayaa weerar culus ku qaaday beesha Saleebaan Habargidir. Dagaalka oo ka kacay arimmo la xiriira daaqsin ayaa ka dhacay Godinlaba. Sacadku waxay dileen tobaneeyo Saleebaan ah, Saleebaan weerar rogaal celis ayay soo qaadeen waxay dhaceen xoolo Sacad, waxayna dileen dad badan. Benardelli, taliyahii Talyaaniga ahaa ee Gobolka ayaa hanjabaad iyo mushar baajin isugu daray odayaasha si dagaalka ay u joojiyaan, sharcina loogu kala baxo. Madax adeyga odayaasha dagaal ayuu horseeday, Talyaaniga ayaa maslaxad raba oo Quraan ku dhaarinaya.

2- 23 October 1952, taliyihii Talyaaniga ee Baydhabo iyo kan Baardheere ayaa isugu tagay Diinsoor si ay u heshiisiiyaan beelaha Dabare iyo Geelidle oo uu dhex maray dagaal ka qarxay daaqsin. Beelahaas qarniyo ayay is heysteen, Talyaaniga ayaaa ku qasbay in ay Quraanka ku dhaartaan si uusan dagaal dambe u dhicin.

3- 2 December 1952, taliyihii talyaaniga Del Rio ayaa ku qasbay in beelaha Habar Nugaal, Abgaal iyo Kabaale, Abgaal ee dega Cadale ay xuduudyo kala samaystaan, . Dagaal xun oo bilowday ka hor dagaalkii labaad ee adduunka ayaa ka socday meesha, oo Talyaaniga xalin waayay muddo. 1943, Ugaaska Kabaale Jaamac Calasow, dagaalyahanno Habar Nugaal oo saddex ah ayaa waxay warmo kaga dhufteen garabka iyo lugta, ciidan u dhashay Kabaale ayaa badbaadiyay asagoo la dilo rabo.

Dhacdooyinka Siyaasadda iyo Xisbiyada.

1- Abgaal oo Xisbi samaystey, haddana leh Soomaali oo dhan waa u furan yahay.
2- Digil iyo Mirifle oo Xisbi ay sameysteen madax cusub u doortay.
3- Xisbiga Banaadiriga oo kulan yeeshay.
4- Garabka Haweenka ee Ururka Africaanka Soomaaliya oo laga furay Ceelbuur.

Waxa keliya ee kaa farxin kara waa halganka SYL.
1- SYL ayaa November 1952 mudaaharaad Talyaaniga lagu dhagaxyeynayo, xisbiyada kalena lagu dhaleecaynayo ka hurisay Jannaale, muddo yar kadib mudaaharaad kale oo Kismaayo ka dhacay. Talyaaniga oo isku dayay inuu joojiyo mudaaharaadka ayaa dhagax laga la daalay.

Odayga waxaan ugu jawaabay: “Aniga qof iga weyn iyo mid iga yarba xitaa haddaan waraysto, wax badan kama qaato, waxbaan aqriyaa intaan helo, cagligayga ayaad la kaashadaa”.

Mar kale, Soomaaliya hore ha laga doonno. Berri sammaad ma waxaan socdaa, ma musuqii dowladda rayidkaa, ma keligii taliye shuuci ah ahaa baa, ma hoggaamiye kooxeed baa?

Berri sammaad ha la doonno…

Foolxumada meesha ka socota waxaa ugu weyn caddaankii ku gumeysanayay ayaa Kitaab Quraan kugu dhaarinaya.

W/Q: Hassan Adam Hossow