Dokument: Isbarbaryaac shaqo oo ka dhex taagan xafiiska Kheyre iyo wasaaradda diinta

Isbabaryaaca shaqo ee ka dhex taagaan xafiiska Ra’isalwasaaraha iyo Wasaaradda Dinta & Awqaafta ayaa salka ku haya arrimaha xajka iyo agaasinka howsha ergada xajka ee Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa dabayaaqadaii sanadkii 2017; waxa ay magacowday guddi ka tala-bixiya arriimaha xajka.

Guddigaas ay wasaaraddu u magacowday katalabixinta xajka iyo habka ugu habboon ee loo maareyn karo arimaha xajka  ayaa soosaaray warbixin dheer oo ku saabsan habka ay tahay in wasaaraddu u maareyso howlaha haxjka iyo hagaajinta adeegga xujeyda Soomaaliyeed.

Warbixinta oo aad u faahfaahsanayd ayuu gudigu ku sheegay in uu la kulmay hay’ado kala duwan oo katirsan xukuumadda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay, kuwaas oo sida warbixinta lagu sheegay in lakala tashaday arrimaha xajka iyo sida ay u arkayaan in loo maamulo.

Balse kaddib markii uu guddigu soo gudbiyey warbixintiisa iyo tala-bixinta arrimaha xajka  ayaa raisalwasaare ku xigeenka xukuumadda  Mahdi Maxamed Guuleed; waxa uu u diray boqortooyada Sucuudiga warqad lagu sheegay in ergada xajka ee Soomaaliya ee sanadka 1439; ay noqon doonto wafdi ka kooban 9; xubnood, kaas oo uu horkacayo Raisalwasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Warqadda uu qoray raisalwasaare ku xigeenku ayaa lagu sheegay in iyada oo la xeerinayo magacaabid la’aanta wasiirka diinta &Awqaafta ee  Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay arrintu Xajku, in uu iman doono sanadkan wafdi uu horkacyo  raisalwasaare ku xigeenka xukuumadda  Mahdi Maxamed Guuleed;

Maxaa ka dhalan kara Xaashda uu qoray raisalwasaare ku xigeenku?

Sanadkii hore waxa dhashay baraarug iyo dood ku saabsan qiimaha ay xujeyda Jamhuuriyadda Soomaaliya ku gutaan xajka oo aad u sarreeya, sidaas awgeed dodo waaweyn oo gaaray illaa heer aqalka sare ayaa dhaliyey in wasaaradda diinta &Awqaaftu magacowdo guddi ka tala-bixiya arrinta xajka iyo sida ugu habboon ee loo hagaajin karo adeegga xujeyda.

Guddigaas oo sameeyey dadaal badan ayaa soosaaray talooyin badan oo ay kamid yihiin in shirkadaha bixiya adeegga xajku ay tartan u galaan, si qarashka xajku u noqodo md suuragal ah, islamrkaana uu u hagaago adeegga iyo deeganaka xujeydu.

Warqadda raisalwasaare ku xigeenku diray waxa ay ka dhigan tahay in aanay jirin wax isbeddel ah oo ku dhacaya qiimaha xajka, sidaas oo kalana aanay jirin wax dib u habayn ah oo lagu sameyno howsha safarka iyo daabulidda xujeyda Soomaaliya.

Tala-bixinta guddiga Xajka & Cumrada