Donald Trump oo ka hadlay dilka Jamal Khashuqji kuna dhawaaqay in talaadada…

California (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay inuu filayo in Talaadada nagu soo aadan lasoo saari doono warbixin dhameystiran oo ku saleysan ciddii ka dambeeysay dilkii loo gaystay weriyaha Sucuudiga u dhashay ee Jamaal Kaashuqji.

Trump oo warbaahinta kula hadlayay gobolka California wuxuu ku tilmaamay warbixinta kasoo baxday laanta sirddoonka Mareykanka mid horudhac ah.

Laanta CIA-da Mareykanka ayaa shalay sheegtay in amarka lagu dilay Jamaal uu kasoo baxay dhaxal sugahaa Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay beeniyeen in dhaxal sugaha uu wax ka ogaa dilka Khaashuqji.

Afahayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Heather Nauert ayaa sheegtay in weli ay jiraan su’aalo badan oo aanan jawaab loo helin oo ku saabsan dilka.

Waxay sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ay sii wadeyso raadinta macluumaadka dhabta ah iyo sidii caddaalladda loo horkeeni lahaa dambiilayaashii ku lugta lahaa dilka Jamaal Khaashuqji.

Mareykanka wuxuu sheegay in weli aanan lasoo saarin baaritannada kama dambeysta ah inkastoo warbixinno ay sheegayaan in waaxda sirddoonka ay rumeysan tahay in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Kaashuqji.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis 
Caasimada@live.com