Donald Trump oo ku dhawaaqaya go’aan ka careysiin doona muslimiinta

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu talaadada ku dhawaaqo in Mareykanka uu Jerusalem u aqoonsan yahay inay tahay caasimadda Israel.

Inkasta oo uu dhawaqan sameynayo, haddana waxa uu sidoo kale saxiixi doonaa in safaaradda Mareykanka lagu sii hayo magaalada Tel-Aviv, hase yeeshee waxaa qorshihiisu yahay inuu u raro Jerusalem mustaqbalka.

Trump ayaa lagu warramayaa inuu Galbeedka Jerusalem kaliya u aqoonsado caasimadda Israel, si uu u qafiifiyo carrada Falastiinyiita.

Falastiiniyiinta ayaa Bariga Jerusalem ee Israel ay xoogga ku haysato u arka caasimadooda mustaqbalka, halka Israel ay magaalada Jerusalem oo idil ay ka dhigatay caasimadeeda.

Mareykanka iyo inta badan dalalka xubnaha ka ah QM uma aqoonsana Jerusalem caasimadda Israel, islamarkaana maamulka magaalada ayaa qeyb ka ah dagaalka daba dheeraaday ee Yahuudda iyo Falastiiniyiinta.

Israel ayaa Bariga Jerusalem ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee sanaddii 1967-kii, kadibna sheegatay, tallaabadaas oo beesha caalamka aysan marnaba aqoonsan.

Caasimada Online
Xafiiska Washington 
Caasimada@live.com