Daawo: Cali Khaliif oo saldhigtay Hargeysa iyo hadal kaftan ah oo uu ku tuuray…

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hargeisa Munaasibad Casho Sharaf ah loogu sameeyay Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Xubno ka tirsan maamulkii Khaatumo ee Heshiiska la galay Somaliland, Kuwaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Hargeisa.

Madasha ayaa waxaa la isku dhaafsaday Kaftan iyo Sheekooyin kala duwan, Waxaana Halkaasi ka hadlay Dr. Cali Khaliif iyo Masuulka Casuumada ugu sameeyay Hargeisa.

Dhinaca kale waxaa kulanka ka hadlay  Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo sheegay inuu Cali khaliif yahay nin usoo noqday Somaliland, Hadana la dhamaystiri doono waxa qabyada ah ” Cali Waanu soo dhowaynayaa inuu Noqday Oday Soomaliland,  oo laga shaqeeyo Soomaaliland mid ah oo walaal ah ”  ayuu yidhi Saylici.