Ciidamo badan oo la dhigay jidadka Muqdisho iyo baaritaan lagu hayo ilaalada xildhibananada iyo madaxda DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Jidadka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo badan oo lasoo dhuubay kuwaas oo qeyb ka ah isbedel lagu sameeyay xaaladda amniga caasimadda iyadoo howolgallo baaritaan oo xoog leh ka socdaan magaalada.

Ciidamada xasilinta iyo kuwa ammaanka ayaa Muqdisho ka wada howlgal xoog leh oo lag baarayo gaadiidka kal duwan, waxanaa ciidamada wadooyinka taagan ay muujinayaan feejignaan dheeraada ah.

Baaritaanka ugu weyn ayaa ka socda wadadda Maka Al-Mukarama waxaana baaritaanka ka mida gaadiidka ay la socdaan ciidamada ilaalada u ah madaxda iyo xildhibaannada dowladda, kuwaasoo la hubinayo inay u hoggaansameen amarradii kasoo baxay wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya.

Ciidamo fara badan oo dheeraad ah ayaa la dhigay wadadda Maka Almukarama, iyadoo howlgalka socda uu gaabis ka dhigay isu socodka gaadiidka, waxayna wadaddaasi tahay tan ugu mashquulka badan caasimadda.

Ciidamo cusub oo Boolis ah ayaa Magaalada dhexdeeda lasoo dhoobay, waxayna si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa Magaalada, waxaana jidadka dhexdooda lagu arkayaa ciidamo bartamaha laamiyadaha iyo geesaha taagan.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda Amniga ayaa ku dhawaaqay inay Magaalada geli doonto xaalad amni oo middii hore ka duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com