Gaas oo markii ugu horeysay ka run sheegay arrin uu in muddo ah ka gaabsanaayay

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in maamulka uu kordhiyay dakhliga laga qaado Ganacsatada alaabaha kala soo dega Dekadda Bosaso.

Cabdiwali Gaas, waxa uu tilmaamay in sababta loo kordhiyey khidmada Dakadda ay tahay mid lagama maarmaan ah, waxa uuna sababta ugu weyn ku sheegay mashaariicda ka socta Dekadda.

Waxa uu Cabdiwali Gaas, cadeeyay in dhaqaalahaasi ay ku baxeyso dadka mashaariicda kawada Dekadda Bosaso oo uu sheegay inay doonayaan helida lacagaha uga baxay Dekadda.

‘’In la kordhiyo dakhliga waxaa nagu khasbay maadama mashaariic muhiima ka socoto Dekadda in cida mashaariicdaas wadaa ay doonayso in wixii ay geliyeen uga soo laabtaan’’

Cabdiweli Gaas, waxa uu sidoo kale sheegay in hakad uu ku imaaday shaqada dekadda, waxa uuna ku eedeyey dad aan ganacsato ahayn oo aan u turayn maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Gaas waxa uu cadeeyay in arrintaan ay kala hadli doonaan ganacsatada wax tabanaysa, wuxuuse intaa ku daray inaysan marna la gorgortami doonin dad uu ku tilmaamay sharwadayaal aan ganacsato rasmiya ahayn oo arimahani siyaabo kale uga faa’idaysanaaya.

Docda kale, waxa uu ku baaqay inaan lagu dayan dhinacyada wada qorshaha lagu kordhinaayo dakhliga Dekadda, maadaama ay jiraan duruufo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com