Turkiga oo soo eryey diblomaasi Ethiopian ah oo lagu helay fal aad u fool xun

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa dalkeeda ka eryisay Diblumaasi ka howlgala Safaarada Ethiopia ay ku leedahay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Diblumaasigan oo dacwadiisa loo gudbiyay Dowlada Ethiopia ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu waxkama jiraan ka dhigay sharciyada dalka Turkiga iyo kan amaanka.

Qoraal ay Wasaarada Arimaha Dibada ee Ethiopia u dirtay Turkiga iyo Safaarada Ethiopia ee Ankara ayaa waxaa loogu yeeray diblumaasiga lagu hayo falalka  sharciga ka baxsan.

Wasaarada ayaa Diblumaasigaas ku amartay inuu isaga soo baxo Turkiga isla markaana dib ugu soo laabto magaalada Addis Ababa.

Diblomaasigan oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inuu dambiyo ku galay magaalada Ankara kadibna u diiday inuu u hogaansamo amarka Booliska  Ankara.

Kiisaska lagu heysto Diblumaasigan ayaa waxaa kamid ah in isagoo cabsan uu galay ilaa Seddex shil, isagoo intaa kadib Saraakiisha Booliska Ankara ugu goodiyay inuu xumeyn doono xiriirka labada dal.

Sidoo kale, waxaa guddi loo xilsaaray kiiska diblomaasigan waxa ayna Wasaarada Arimaha Dibadda Ethiopia sheegtay in falalka noocan ah aan loo dul qaadan doonin talaabo sharci ahna laga qaadi doono, waa haddii ay rumowdo.

Geesta kale, Turkiga ayaa waxaa ka mamnuuc ah in Diblumaasiyiinta martida ku ah dalkaasi ay u socdaalan magaalada iyagoo cabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com