Trump oo ku dhow inuu ku fashilmo amarkii 7-da dal ee ay ku jirto Somalia

Madaxweyanaha ku cusub taliska Mareykanka Donald Trump  ayaa markale la kulmay dhabarjab xoogan oo arrimaha sharciga markii Maxkamada Federaalka Darajada 9aad ee racfaanka Mareykanka  diiday in amarkii madaxweynaha Trump  uu uga mamnuucay qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda 7 dal oo ka mid ah dalalka Islaamka inay soo galaan USA, waxaana dalalkaas ka mid ah Soomaaliya.

Seddax garsoore oo ka tirsan Maxkamada Federaaliga ee Racfaanka Magaalada San Francisco ayaa si wadajir ah u diiday racfaan ay Waaxda Caddaalada Mareykanka ka qaadatay Isbuucii lasoo dhaafay go’aanki garsooraha maxkamada Seattle James Robart uu ku hakiyey amarkii madaxweynaha seef la bood ah ee Trump.

Seddexda Garsoore ee amarkaan cagta mariyey ayaa kala ahaa  Richard Clifton, William Canby iyo Michelle Friedland, waana seddaxda shaqsi ee sawirka hoose kaaga muuqanaya. Kuwaasoo si cad u diiday racfaankii Trump.

Codaynta maxkamadda oo si qarsoodi ah u dhacday ayaa lagu sheegay in dawladdu aysan cadayn u keenin halista argagixiso ee ay xayiraadda socdaalka dadka u dhashay 7daan dal ee Islaamka ah ku banaysatay.

Maxkamadda racfaanku waxay sheegtay in aysan hor istaagaynin go’aankii ay maxkamadda hoose ku joojisay amarka madaxweynaha, taasi oo ka dhigan inay dharbaaxo lama filaan ah ku dhacday 70 sanno jirkaan qowlkiisu qodxaha leeyahay Donald John Trump.

Trump oo arrintaas ka jawaabaya ayaa isaga oo caraysan Twitterka kusoo qoray in ammaankii qaranku uu halis ku jiro uusanna sidaa uga hari doonin oo uu sharciga adeegsan doono sida aan kasoo xiganay NBC News.

“Diidmadaan ma wiiqi doonto awoodeeda madaxweynimo ”  sidaas ayuuna mar kale u sheegay NBC News.

Dhanka kalana, Xeer-ilaaliyaha guud ee maxkamada gobolka Washington, Bob Ferguson ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Seattle wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu yahay dal leh sharci, qaanuunkana uu qabto dhammaan dadka laga soo bilaabo shacabka illaa Madaxweynaha .

Dagaalkaan culus ee ka dhex bilawday maxkamadda dalka Mareekanka iyo madaxweynaha ayaa fursad weyn siin doonto in kumanaan qof ay fursad u helaan inay galaan dalka Mareekanka gaar ahaan TODOBADA DAL ee xukunkaani taabanayey oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Sudan, Siiriya, Iraq, Iran, Yeman iyo Libya.

Ninkaan sawirkiisa qeybta hoose kaaga muuqdo waa James Robart oo ah garsooraha maxkamada Seattle kaasoo ku dhiiraday inuu si cad uga hor imaado amarka Trump.  

Si kastaba ha ahaatee, waxaa intaas oo dhan kasii yaab badneyd markii Hillary Clinton oo ah gabadhii uu Trump uga guuleystay doorashadii ugu dambeysay ee USA ay barteeda Twitter ku foorjeysay Trump iyo dharbaaxadii ugu dambeysay ee ku dhacday waxayna si gaaban usoo qortay 3-0. Taasoo tilmaameysa tirada inta jeer ee uu ninkaan mayalka adag ku guuldarreystay racfaankiisa.

Caasimadda Online

Xafiiska Washington 

Caasimada@live.com