Farmaajo oo 100 maalin ku xalin doona 4 arrimood oo saameyn leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, ayaa lagu wadaa inuu u gudagalo howlihiisa shaqo ee Madaxweyninimo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 100 maalin ee fooda nagu soo heysa qaadi doona tallaabo adag oo ku xeeran howlihiisa Qaran, isagoo ka gaashaaman doona in dhaliil ay uga imaado dhanka Bulshada.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlaayay Idaacada VOA qeybteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in iminka uu qaadi doono tallaabadii lagu magacaabi lahaa Ra’isul wasaaraha Qaranka.

Waxyaabah uu Madaxweyne Farmaajo 100 maalin ku qaban doono ayaa waxaa kamid ah:

1-Magacaabida Ra’isul wasaare si uu usoo dhiso Xukuumada cusub.

2-Talaabada labaad ee uu qaadi doono ayuu sheegay inay tahay soo afjarida Colaadaha 4 sano ee lasoo dhaafay ka taagnaa dalka ee u dhexeeyay qabiilada.

3-Waxa uu sheegay in 100 maalin ee ugu horeysay uu xal ugu raadin doono Abaaraha ka jira Gobolada dalka ee cirib tiray umadda Soomaaliyeed.

4-Dhageysiga Cabashooyinka Umadda Soomaaliyeed iyo go’aaminta Cabashooyinkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu xal u raadiyo dhibaatooyinka ba’an oo ay ka cabanayaan Shacbiga Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay inaanu jiri doonin cid ka sareyn doonta Sharciga dalka u degsan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la doortay 08-dii Bishan oo ku beegan Arbacadii tagtay, waxa uuna durba bilaabay howlihiisa shaqo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com