Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ku celshay in arrin laga fiican yahay ay tahay in Somaalida qaxootiga ah ay joogan dalka Mareykanka.
Donald Trump, ayaa hadalkani sheegay xili subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaca ah bartiisa Twitter-ka ku soo direy fariin uu uga hadlaayo weerarkii ka dhacay Jaamacadda Ohio ee dalka Marayknaka.
Trump ayaa sheegay in mas’uuliyadda weerarkaas ay qaadatey ISIS, kaas oo uu fuliyey Somaali qaxooti ah oo aysan ahayn in ay joogaan waddankeena Maraykanka ayuu yiri Trump.
ISIS ayaa sheegatey in ay masuul ka tahay weerarkan, mana jiro wax xiriir ah oo ka dhexeeya IS iyo wiilka la diley ee weerarka fuliyey taas oo weli laamaha amnigu ay heleen.
Donald Trump, waxa uu sheegay inay adag tahay in Soomaalida ay kusii nagaadan dalka Mareykanka, waxa uuna Soomaalida ku tilmaamay kuwo xiriir dhow la leh waxa loogu yeero Argagixisada.
Donald Trump, waxa uu goor sii horeysay sheegay in haddii uu xilka qabto uu dalka Mareykanka ka saari doono Qaxootiga Soomaalida ah, waxa ayna hanjabaadani noqoneysaa tii labaad.
Donald Trump, ayaa si gaara diirada u saartay Qaxootiga Soomaalida ah, waxa uuna mar waliba munaasabadaha ka sheegaa inuu kala yareyn doono Qaxootiga Soomaalida ah.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

