Dood adag oo ka dhacday Aqalka Sare iyo Senataro la saftay maamul goboleedyda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad wararkeenii hore ku akhrisateen maanta waxaa kulan yeelanayey Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba waxaa kulankaas ka dhacday dood aad u kulul oo ku saabsaneyd khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe, waxaana kulankaas khudbado ka jeediyey qaar ka tirsan xildhibaanada.

Dooda oo aheyd mid aad u kulul ayaa Xildhibaanada qaar waxay taageereen Maamul Goboleedyada halka qaar kalana ay si cad uga hor imaadeen oo ay sheegeyn inay dowladda dhexe saxan tahay.

Dooda ugu kulul ayaa aheyd sharci ahaanshaha tallaabooyinkii ay qaadeen Madaxda Maamu Goboleedyada, waxaana xusid mudan in qaar ka tirsan xildhibaanada ay difaac u noqdeen Maamul Goboleedyada.

Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurule oo la aaminsan yahay inuu kamid ahaa dadka Imaaraadka Carabta kala shaqeeyey khilaafkiii dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa ku dooday inay Madaxda Maamul Goboleedyada ku saxan yihiin inay sameystaan golahaan ay ku dhawaaqeen, maadaama uu sheegay in lasoo weeraray oo la doonayey in la dumiyo.

Cabdiwaxad Cilmi Goonjeex ayaa isna ka hor imaaday hadalka Jurule, isagoo ku dooday inaysan sharci aheyn golaha ay sameysteen Maamul Goboleedyada, wuxuuna meesha ka saaray inay jiri karaan gole ay yeeshaan Maamul Goboleedyada oo sharci ah.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Amiin oo iska ka mida xildhibaana Aqalka Sare ayaa sheegay inuu Aqalka Sare ka gaabiyey shaqadii loo soo idmaday, wuxuuna eeda ugu badan dusha u saariyey Aqalka  Sare, wuxuuna tusaale usoo qaatay in hadda   dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada midna kalsooni ka heysan, taasina ay tahay arrin laga xumaado.

Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi ayaa iyadana taageertay Maamul Goboleedyda, waxayna si gaar ah u difaacday Maamulka Galmudug, waxayna sheegtay inay ku saxan yihiin kulamadii ay ka yeesheen maamulkaas, maadaama ay sheegtay in faragelin toos ah lagu sameeyey.

Ugu Dambeyntii dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada ayaa waxaa ka dhaxeeyo Khilaaf maalinba maalinta ka dambeyso sare usii kacayo, Wuxuuna hadda Madaxweyne Farmaajo casuumaad u sameeyey Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana la filayaa in dhammaadka bishaan ay kulan xasaasi ah ku yeelan doonaan Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com