Dood xooggan oo ka dhalatay isku-day Af-Maay-ga looga tirayo dastuurka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhalatay in Afka Maay-ga la yiraahdo oo qeyb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ay ku hadlaan in gebi ahaanba laga tiro Dastuurka Soomaaliya.

Warqad lagu codsanayo arrintaan ayaa loo diray wasiirka caddaaladda iyo dastuurka Soomaaliya, taasi oo uu qoray guddoomiyaha akademiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed Cabdulqaadir Maxamed Xuseen Maax.

Guddoomiye Maax ayaa warqadaasi ku dalbaday in Afka Maay-ga ah in gebi ahaanba laga tiro dastuurka Soomaaliya, oo Maxaa Tiri lagu soo koobo, isaga oo ku tilmaamay Afka May-ga inuu yahay af guri oo aan kamid aheyn afafka si guud Soomaalidu ugu mideysan yihiin.

Dood xooggan ayaa arrintaas ka dhalatay, hase yeeshe codsigan ayaa su’aallo la iska weydiinayaa inuu aqbali karo wasiirka cadaalada iyo arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallim, iyada oo la ogyahay in baarlamaanka Soomaaliya qeyb kamid ah ay Xildhibaannada kasoo jeedaan Koonfur Galbeed, oo looga hadlo afka uu dalbanayo in guddoomiye Maax gebi ahaanba dastuurka laga saaro.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Aadan Gentleman: “Afka Maayga haddii laga tiro Dastuurka Soomaaliya waxay lamid tahay inta Afka Maayga ku hadasha ha laga saaro jiritaankooda Somaalinimada.”

Ismaaciil Cali Xirsi ayaa isna waxa uu yiri “Berina waxaa kuso xigta dadka May-mayda Soomaaliya ha laga tiro. Arrintaas waa qalad umad walba afkooda ha lagu xushmeyo waayo afwalba dad ayaa qaas u leh, aniga afkeyga wabara-waani, balse Somalinimada ayan walaalo ku nahay.”

“Wasirka cadaalada iyo dastuurka JFS Hassan Macalin awood uma lahan mana ku dhiiran karo inuu baarlamanka la hortago afka Mayga ha laga tiro dastuurka JFS. Shaki la’aan shaqadiisa ku weyn karaa, Xildhibanada dowlad-goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya kasoo gala Baarlamanka JFS waa in ka badan 75 mudane, labada Gole Baarlamanka hal mooshin ka dhan Hassan Macalin oo looo diro RW Xamza iyo golihiisa wasiiradda ayaa ka dhigan in Hassan laga tuuro golaha wasiirada Soomaaliya,” ayuu yiri Muxiyadiin Xasan.

Cabdulle Culusow: “Waa sax Afka Mayga waa in laga saaro dastuurka waayo waa lahjad.”

Cabdi Ibraahim Xasan ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Hadii afka Mayga laga saaro dastuurka Soomaaliya waxaa cadanaya in Koonfur Galbeed ay tahay dal ka madax-banaan Soomaai inteeda kale inoo wada howsha.”

Suheyb Nuur: “Waxaas waa edab daro iyo isir sifeyn inkasto aan aqoon ku hadalka afka Maayga haddana waa qalad in la yaso lahjadaas.”

“Wuu saxan yahay guddoomiyaha maxaa yeelay afka Maayga af boos ku leh bulshada inteeda badan ma ahan ee waa siduu sheegay ee waa af guri,” ayuu yiri Sadiiq Cali.

Saciid Xasan: “Saaxiibayaal an kala baxno dowlada maay iyo dowlada maxa tiri aan u kala baxno.”

Camir Macalin Raage ayaa isna waxa uu yiri: “Inta “Maxaa tiri” ku hadasha ayaa saddex jibaar ka badan inta “Maayga” ku hadasha. Soo jeedin macquula waaye.”

“Arinkaas waa qalad aniguse waxaaba qabaa ama aaminsanahay in lagu daro manhajka Soomaaliya,” ayuu yiri Axmed Macalin Nuur Xasan.

Maxamed Kamaal ayaa isna waxa uu yiri “Waxaas dulmi waaye dad luuqadooda in lagu faquuqo sax maaha.”