Daawo: Jeesow oo shaaciyay in la dhacay gargaarkii loo diray Hiiraan + Jawaabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyay Hay’adda SoDMA iyo HirShabelle, gaar ahaan maamulka gobolka Hiiraan, isaga oo ku eedeeyay inay sameeyeen musuq-maasuq.

Jeesow oo ka hor hadlayay kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyay i  50 baabuur oo dhawaan loo diray Hiiraan, isla markaana siday garagar lagu dhacay meel dhexe.

“Gargaarka la diray haba yaraatee ma gaarin dadkii loogu talagalay waxaa dhacday in duurka lagu kala tuurto 50-kii baabuur” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa xusay in gargaarkaas oo ay ku baxday illaa 500 oo kun oo dollar, isla markaana illaa iyo hadda aan cidna lagula xisaabtamin.

“Ma jirin qof loo xiray oo mas’uuliyaddaas qaatay, ma jirin qof xilkiisii ku waayay, tantii 500 oo kun oo dollar uu ku baxay rarkeeda iyo anfaca saaran baabuurta maanta meel lagu sheegi karo malaha”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay hay’adda SoDMA iyo maamulka gobolka inay sameeyeen dayacaad, ayna tahay in lagula xisaabatamo.

“Mar xoolaha intaas la leg iyo dayacaadda dhacday ee dhammaan kasoo yeereyso gobollada mar haddii ay jirto diyaar ma u tahay inaad ku weydo xilkaaga ama baarlamaanka dib u eegis haku sameeyo amaba adiga aad isku casishidee?” ayuu ku daray.

Dhankiisa guddoomiyaha Hay’adda Maareynka Musiibooyinka oo ku sugnaa baarlamaanka ayaa u jawaabay xildhibaanka, wuxuuna sheegay mas’uuliyadda SoMDA aysan ahayn taasi, isla markaana aysan haysan ciidan, balse ay tahay cidda laga rabo maamul goboleedyada.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ciidan ma leh wax ay ku wadana ma heysato waxay u baahan tahay maamullada dalka, iyaga mas’uul ka ah dadk” ayuu isna ku jawaabay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay gargaarkii labaad loo diray Hiiraan, kaas oo ah 30 baabuur oo raashin sida, kuwaas oo ku wajahayn degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.