Yaa dalbanaya in lasoo xiro oo la maxkamadeeyo wiilka madaxweyne Xasan Sheekh?

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa wajaheysa cadaadis isa soo taraya oo ku aaddan soo celinta wiilka madaxweynaha Soomaaliya, oo la sheegay inuu ka tegay Turkiga kaddib markii uu ku lug yeeshay shil dhimasho sababay oo ka dhacay Istanbul.

Yunus Emre Gocer, oo 38 jir m ahaa, isla markaana watay Mooto ayaa dhaawac halis ah oo kasoo gaaray shilkaas ugu geeriyooday isbitaalka 6-dii Bishan Disembar, lix maalmood kadib markii uu ku dhacay gaari uu Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ku waday waddo mashquulka badan gudaha magaalada Istanbul.

Dowladda Turkiga ayaa amartay in lasoo xiro wiilka madaxweynaha waxayna ka hor istaagtay inuu dibadda u safro kadib geeridii ninka Turkiga ahaa, balse wararka ayaa sheegaya in wiilka madaxweynaha uusanba dalka joogin oo uu ka tegay xilligii ay soo baxeysay warqadda lagu soo xirayo.

Axaddii, dhowr qof, oo ay ku jiraan mootaley u dhalatay dalka Turkiga, ayaa dibadbaxyo ka dhigay Istanbul, iyagoo dalbanayay in Maxamed uu wajaho maxkamadeyn ku aaddan geerida Gocer, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

Ekrem Imamoglu, duqa magaalada iyo siyaasi mucaarad ah oo caan ah, ayaa bartooda Twitter-ka kusoo wadaagay muuqaalka ay duubtay kaamirada ammaanka ee shilka ku saabsan.

Mar uu ka hadlayay cadaadiskan, ayaa Wasiirka Caddaaladda Yilmaz Tunc wuxuu sheegay isagoo aan faahfaahin ka bixin “in hannaan caalami ah” la bilaabay oo quseeya shilka.

“Iyadoo aan loo eegeyn mansabkooda, qof walba wuu u siman yahay sharciga hannaanka dhan ee soo qabashada eedeysanaha — oo uu ku jiro hannaan caalami ah — ayaa loo fulinayaa si taxadar leh,” ayuu Tunc Axaddii kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Tunc ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan sidoo kale lagu sameynayo saraakiisha booliiska ee sameeyay baaritaankii hore ee shilka lana sheegay inay u oggolaadeen in Maxamed la fasaxo.

Ma jirin xog ku aaddan halka uu Maxamed ku sugnaa, iyadoo saraakiisha Soomaaliya aysan wax jawaab ah ka bixin arrintan.

Warbixintii ugu horreysay ee booliska ay soo saareen ayaa lagu sheegay in ninka shilka ku dhintay uu khaldka lahaa sidaasna lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sida warbaahinta Turkiga uu u sheegay qareenka qoyska ninka geeriyooday.

Laakiin dib u eegis lagu sameeyay muuqaallada ay duubtay kaamirooyinka qorsoon ayaa loo baahan doonaa sharraxaad kale. Booliiska ayaa booqday guriga ninka shilka ku geeriyooday.

Dacwad oogaha Turkiga ayaa Sabtidii soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo kadib boqasho ay ku tageen guriga ninka shilka ku geeriyooday, sida wakaaladda wararka AFP ay kasoo xigtay warbaahinta gudaha.