Nairobi(Caasimada Online) – Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa la sheegay inu qabtay dooni hub siday oo mareysay meel ka baxsan xeebaha dalka Soomaaliya, sida warbaahinta ay sheegtay.
Wargeyska TradeWinds oo kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa baahiyay in ciidamada Faransiiska ay ka shakiyeen doonida oo lagu qabtay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Faransiiska oo diyaarado dagaal adeegsanaya ay qabteen doonida oo sida la sheegay kusoo wajahneyd xeebaha Galmudug, waxaana wargeyska uu soo xiganayay saraakiil ka tirsan Mareykanka oo dhanka baaritaanada qaabilsan.
Sarkaalka wargeyska uu soo xiganayo ayaanan faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonidaasi halka ay asal ahaan ka timid, iyo cidda ay sida gaarka ugu socotay.
Doonida ay Ciiddanka Faransiiska ku qabteen meel ka baxsan Xeebaha Bariga Somalia ayaa ah Doonidii Labaad oo hub u soo waday Somalia oo wax ka yar 3 isbuuc lagu qabtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Somalia.
Bilowgii bishan, Marakab dagaal oo laga leeyahay dalka Australia waxay qabteen Dooni shixnad hub u soo waday Somalia, xilli ay maraysay meel 195 mayl ka baxsan Xeebta dalka Cumaan.
Doonidaasi ayaa la sheegay in laga helay hub lagu qiimeeyey in ka badan Labo million oo Dollar.
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

