Reer Gobollada Dhexe: “Dooni meyno in MADAX uu noo noqdo nin dad badan horey usoo dilay”!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Siyaasiyiin badan ay u loo lamayaan qabashada madaxtinimada Maamulka la filaayo in loo dhiso Gobolada Dhexe, ayaa waxaa sifaha Madaxweynaha cusub looga baahan yahay ka hadlay Madaxweynihii hore ee maamulka Gal-mudug Maxamed Axmed Caalin.

Caalin oo ka hadlayay xaflad ka dhacday Magaalada Cadaado ayaa sheegay in muhiimadu aysan aheyn in Madaxweyne uu yeesho maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud balse ay muhiim tahay in hogaamiyaha xilligaan loo baahan yahay ee hogaamin doona uu noqdo shaqsi aan horay usoo galin dhiig.

Waxa uu sheegay in shacabka ku nool Mudug iyo Galgaduud, aysan u baahneyn shaqsi hurinaayo dagaal beeleed ama dagaal nooc kale, waxa uuna tilmaamay in shacabku ay u jilicsan yihiin nabad iyo maamul wanaag.

Waxa uu tilmaamay in marka hore ay haboon tahay in la eego cidda la doonayo, ka hor inta aan la gaarin howlka cod bixinta, lana eego cid walba oo wax u qabanayso shacabka gobaladaasi ku dhaqan.

Nuqul kamid ah hadalka Caalin uu ka jeediyay hoolka xaflada ay ka dhacday ayaa waxaa kamid ahaa “Mar hadii Labadii gobal ee wada jira maamul loo sameynayo, wixii hore oo dhan in meel la’iska dhigo ayaa loo baahan yahay oo maamulkaasi la garab istaago, yaa istaahila markii la dhahaayay waa in cid walba oo hogaanka u qabanaysa maamulkani in aanu galin dhiig Soomaaliyeed, kana fog qabyaalad ama hub uruursi”

Waxa uu geesta kale, DF Somalia, Ergooyinka iyo goobjoogayaasha shirka ugu baaqay inay u daneeyaan shacabka ku nool Mudug iyo Galgaduud oo aysan usoo horseedin shaqsi ka shaqeynaayo xumo iyo kala geynta bulshada.

Shacabka Mudug iyo Galgaduud ayuu ku booriyay inay u hogaansamaan Maamulka la doonaayo in dhawaan loo dhiso, waxa uuna amaanay sida ay shacabka ula shaqeynayaan maamulada iminka ay ku hoos noolyihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com