DOONI sidday in ka badan 1000 neef oo gubatay

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa shegaya in halkaasi dooni ay ku gubatay, kadib markii uu dab ka kacay doonida.

Doonta ayaa waxaa la sheegay iney ku sugneyd xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxayna ka dhaqaaqday dekada Boosaaso iyadoo kusii jeeday dalka isku taga imaaraadka carabta.

Ku dhawaad 5oo neef oo lo’ iyo 66o oo neef oo ari ayaa la sheegay iney ku dhinteen dab ka kacay doonida oo kusii jeeday isku daga imaaraadka carabta.

Sidoo kale ku dhawaad 11 ruux oo doonida la socday ayaa laga soo badbaadiyay doonta kuwaasi oo la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Boosaaso, laakiin xaaladooda ayanan faahfaahin buuxda laga bixin.

Dabka ayaa waxaa loo malaynayaa inuu ka dhashay cowska xoolaha loo dhigay ee qeybta hoose, laakiin si dhab ah looma sheegin xogta dhabta ah ee dabka ka dambeysay.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com