Doorashada Aqalka Sare ee HirShabelle oo bilaabaneysa iyo wararkii ugu dambeeyay

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirSbabelle ayaa maalmihii u dambeeyay bilaabay dar-dar gelinta qabashada doorashada xildhibaanada Aqalka Sare, waxayna maanta magaalada Jowhar kula kulmeen Guddiga Baarlamaanka ee maamulkaas.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka HirShabelle ayaa gogol xaar u ahaa wada-shaqeynta Guddiga doorashooyinka Hir-Shabelle iyo Guddiga heer Baarlamaan ee qabashada doorashada Aqalka Sare, wuxuuna qeyb ka ahaa dadaalada uu guddiga ku dar-dar gelinayo qabashada doorashada.

Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane oo kamid ah Baarlamaanka HirShabelle oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in ujeedkiisa uu qeyb ka ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho labada dhinac ah, maadama ay dhawaan bilaabanayaan doorashooyinka kuraasta Aqalka Sare ee maamulkaas.

Soomane ayaa sidoo kale xusay in labada Guddi ay isla qaateen in si daah-furan looga shaqeeyo doorashada, midaasi oo ka dhigaysa mid ku dhacda xor iyo xalaal, oo lagu wada qanco, sida uu sheegay.

Kulankaan ayaa imanaya xili la filayo in saacadaha soo socda uu madaxweynaha HirShabelle uu ku dhawaaqo liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, si loo gudo galo doorashada Aqalka Sare oo loolankeedu uu ka bilowday maamulkaas.