Taalibaan oo niyad jabsan, kadib markii ay aragtay wixii uu Mareykanka uga tegay

Taalibaan ayaa sheegtay inay ka niyad jabtay kadib markii ay ogaatay in diyaaradaha iyo helicopter-ada uu uga tegay Mareykanka garoonka diyaaradaha Kabul ay yihiin kuwa aan shaqeyneyn.

Guud ahaan waa 73 diyaaradood, ku dhawaad ​​100 gaari iyo qalab kale oo ay ciidamada Maraykanka ka tageen markii ay ka baxeen Afghanistan waqtigii loo qabtay ee 31 August.

Kadib markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen garoonka Kabul, waxaa ku xoomay boqolaal ka mid ah dagaal-yahanada Kabul iyo hogaamiyayaashooda oo dabaal-degaya ayaga oo kor u ridaya rasaas.

Waxaa kadib la arkayey sawirro muujinaya dagaalyahannada Taalibaan oo wata qalab milateri oo ay ciidammada Mareykanka kaga tageen garoonka diyaaradaha Kabul ee Hamid Karzai.

Hase yeeshee xaaladda ayaa durba isbeddeshay, waxaana Taalibaan ay hadda sheegayaan inay niyadjabsan yihiin, oo ay careysan yihiin, islamarkaana dareemayaan in la qiyaameeyey, sababtoo ah dhammaan qalabka laga tagay ayaa ahaa kuwan ay burburiyeen ciidanka Mareykanka oo aan xitaa la dayactiri karin.

“Waxaan fileynay inay ka tagaan diyaarado iyo qalab shaqeynaya, sababtoo ah waa hanti Afghanistan, anagana waxaa nahay dowladda cusub ee dalka,” ayey yiraahdeen Taalibaan.

Madaxa taliska dhexe ee Mareykanka Gen Kenneth McKenzie ayaa sheegay in dhammaan qalabkaasi laga dhigay kuwa aan la isticmaali karin.

“Diyaaradahaas ma ahan kuwa dib dambe u duuli doona,” ayuu yiri. Diyaaradaha looga tagay Kaabul waxaa ka mid ah:

• Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee MD-530, oo loo adeegsado sahanka iyo weerarka dhow
• A-29 oo ah diyaaradaha weerarka fudud loo isticmaalo.

Bishii Juun, ciidamada qalabka sida ee Afgaanistaan ​​waxay adeegsanayeen:

• 43 MD-530s, oo ay bixisay Maraykanka.
• 23 A-29s

Qiimaha alaabta shaqsiyeedka ma aha kuwa si toos ah loo sheegi karo laakiin qiimaha qeybta A -29 ayaa lagu sheegay inay ka badantahay $ 10 malyan oo doolar.

Muuqaal uu duubay weriyaha LA Times Nabih Buulos ayaa muujinaya dagaalyahanada Taaliban oo wata helicopter nooca CH-46 Sea Knight.

Waxaa adeegsaday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si ay shaqaalaha uga daadgureeyaan safaaradda Kabul, toddobo ka mid ah diyaaradaha ayaa la sheegay in laga dhigay kuwo aan shaqayn karin oo laga tagay.

Ugu yaraan hal diyaarad oo nooca C-130 Hercules ah ayaa sidoo kale la sawiray iyadoo taalla laamiga.

Sida laga soo xigtay Gen McKenzie, 70 baabuur oo ah lagu baaro miinooyinka ayaa iyagana la tagay, kadib markii laga dhigay kuwa aan geibi ahaana shaqeynayn.

Qiimaha hal gaari oo noocaas ah ayaa lagu sheegay inuu gaarayo inta u dhaxeysa $ 500,000 ilaa hal milyan oo doolar.

Sidoo kale waxaa Kaabuul looga tagay.

• 27 baabuurta milatariga dhulka gaar ahaan kuwa nooca la yirahdo Humvee.
• Tiro aan la cayimin oo ah qalabka difaaca gantaalaha iyo madaafiicda.

Hase yeeshee dhanka kale ciidamada Afgaanistaan ​​ayaa waxay ka carareen hub ay u saamixi weysay inay burburiyaan ama curyaamiyaan qalabkaasi.

Sawirada dayax gacmeedku waxay tilmaamayaan in diyaarado qaar laga saaray dalka Uzbekistan, maalmo ka hor burburkii dawladda Afgaanistaan.

Waxayna khubaradu tilmaamayaan in diyaaradaha qaarkood laga yaabo inay aad ugu xaddidan yihiin Taalibaan sababtoo ah ma haystaan duuliyeyaal tababaran, iyo sidoo kale u helidda dayactirkooda.

Balse, in kasta oo aysan suurtogal ahayn in la sheego tirada saxda ah, haddana inta badan 167 diyaaradood, oo ay ku jiraan 33 helicopter oo ah nooca UH-60 Black Hawk, oo ay gacanta ku hayeen ciidamada qalabka sida ee Afghanistan dhammaadkii Juun, ayaa hadda loo malaynayaa inay ku jiraan gacanta Taaliban.

BBC