Doorashada G/Shacabka ma lagu soo gaba-gabeyn karaa halka maalin ee harsan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalinta berri ah ee ku taarikheysan 25-ka Febraayo waxaa ku eeg mudadii ay Madaxda Wada-tashiga Qaran u qabteen soo gaba-gabeynta doorashada Golaha Shacabka, xilli ay maamulada qaarkood bilaabin deegaan doorashadooda labaad.

Doorashada gobolada Waqooyi ayaa noqotay tii ugu horreysay ee la soo gaba-gabeeyo, ayada oo la soo doortay 46 mudane ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo Baarlaamaanka 11-aad ku matala gobolada Waqooyi.

Waxaa illaa hadda dhiman doorashada 105 kursi, waxaana doorashadooda la qabtay 170 mudane, oo ay dumar ka yihiin 38 oo u dhiganta 22.3% tirada la doortay, halka kuraasta ragga ay yihiin 132 kursi oo u dhiganta 77.6%.

Waxa aad u yar suurta-galnimada hal maalin gudaheed lagu dooran karo 105 mudane, taasi oo ka dhigan in markale uu dib u dhac ku yimid jadwalkii doorasho ee Golaha Shacabka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maalmo ka hor ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gaba-gabeynayey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa dalbaday in si dhaqso ah loo qabto kuraasta dhiman.

Rooble ayaa dowlad-goboleedyada dalka ku boorriyey inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan, si waqtiga looga faa’iideysto, loona fuliyo heshiiskii Muqdisho.

Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee dib u dhac ku yimaado jadwal doorasheedka dalka, hase yeeshe midda Golaha Shacabka ayaa aheyd doorasho si weyn indhaha loogu hayay, ayada oo beesha caalamka ay si adag uga digtay dib u dhacyo kale.