Sawirro: Madaxweyne Putin oo amray howlgal militari iyo dagaal ka billowday Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta amray howlgal militari oo laga billaabo bariga Ukraine, xilli ay u muuqato in dagaal weyn uu ka qarxay Yurub.

Waxyar kadib markii uu Putin jeediyey khudbad laga daawaday taleefishinka, waxaa qaraxyo xooggan taroorii laga maqlay magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Ukraine. Waxaa sidoo kale rasaas xooggan ay ka dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha Kyiv.

Qaraxyada ayaa sidoo kale ruxay magaalada gooni u goosadka ah ee Donetsk ee Bariga Ukraine, ayada oo diyaardaaha rayidka looga digay inay u dhowaadaan hawada dalkaas, ayada oo Mareykanka ay sheegeen in weerar weyn uu billowday.

Putin ayaa sheegay inuu amray howlgal gaar ah oo laga fuliyo bariga Ukraine, halkaasi oo ay ku xoogan yihiin gooni u goosato ay taageerto Moscow. 

Madaxweynaha Ruushka waxa uu sheegay inuu amray ciidamadiisa inay ilaaliyaan shacabka, wuxuuna amray ciidamada Ukraine inay hubka dhigaan. 

“Dhammaan mas’uuliyadda dagaalka waxaa qaadi doona taliska xukuma Ukraine,” ayuu yiri Putin.

Waxa uu mar kale ku celiyey mowqifkiisa ah in is-ballaarinta NATO oo ay ku jirto Ukraine ay tahay arrin aan la abqali karin, islamarkaana Russia aan la siin ikhtiyaar aan ka aheyn inay is-daafacdo.

Illaa iyo hadda ma cadda heerka uu le’eg yahay howlgalka militari ee Ruushka. Moscow waxay marar badan beenisay inay qorsheyneyso inay qabsato Ukraine, inkasta oo boqolaal kun oo askari ay gaysay xuduudda.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Arbacadii sheegay in Moscow ay ansixisay weerar, islamarkaana aysan ka jawaabin casuumad wada-hadal oo uu u fidiyey. 

“Maanta waxaa wada-hadal taleefon la billaabay madaxweynaha Ruushka. Natiijada waxay noqotay aamusnaan,” ayuu yiri. 

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inay u duceynayaan shacabka Ukraine “oo la kulmaya weerar aysan daan-daansan islamarkaana aan loo qiil dayin oo ugama imanaya ciidamada Ruushka.”