Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo wafdiga QM?

Muqdisho (Caasimada Oline) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay, kaas oo uu horkacayey ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada Adam Cabdulmowlaa.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimaha abaaraha ka jira dalka iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka abaartu saameysay.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday, sidii la isugu duwi lahaa dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

Ku xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ballan qaaday inay dhakooda ka qayb qaadan doonaan gurmadka loo fidinayo dadka ay saameysay abaarta baahsan ee ku dhufatay qaybo ka mid ah dalka.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Adam Cabdulmowlaa iyo wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya iyo kaalintooda ku aadan gurmadka abaaraha.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka jirta abaar saameysay nololsha qoysas badan oo ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, xukuumadda Rooble ayaa haatan wadda dadaallo dheeraad ah oo loogu gurmanayo dadka ay saameysay abaarta, si loo bad-baadiyo noloshooda.