Doorashada kuraas BF ka tirsan oo dhaceysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in doorashada seddex kursi oo ka banaan golaha shacabka ay ka dhaceyso magaalada Baydhabo.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya musharixiin kala duwan, waxaana dadka la doorto ay buuxinayaan Kuraasta ay baneeyeen madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed iyo taliyihii NISA.

Sidoo kale waxaa la dooranayaa kursi uu baneeyay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ruush oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Waxaa Kuraasta maanta ku tartamaya musharixiinta kala ah:-

Kursiga taliyihii  hore ee NISA waxaa u tartamaya;

1.Cali Shiiq C/Laahi .

2.Siid Cali Cisman Xusen.

Kursigii Xildhibaan Korneyl  Ruush waxaa u tartamaya,,,

1, Nuur Siidow Baba Xasan

2, Fiqi C/Laahi Mayow.

Guddiga doorashada Madaxabanaan ayaa Magaalada Baydhaba tababar ugu soo xiray ergada ka qeyb galeysa doorashada oo la barayay habraaca codeynta.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com