Xiisad ka dhex-qaraxday Mo Farah iyo Gebrselassie iyo Mo ‘oo lasoo weeraray’

London (Caasimada Online) – Orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah iyo kan reer Ethiopia ee Haile Gebrselassie ayaa weerar afka ah isku qaaday ayada oo tababaraha Mo uu sheegay in lasoo weeraray.

Mo Farah iyo Gebrselassie ayaa waxaa dhex mnaray muran ka dhashay alaab Mo Farah uu sheegay in looga xaday hotel uu Gebrselassie ku leeyahay magaalada Addis-Ababa.

Gebrselassie ayaa maanta sheegay in Mo Farah uu feeray islamarkaana haraantiyey nin iyo xaaskiisa oo hotel-ka dhibnaca ka deganaa, hase yeeshee Gary Lough oo ah macllinka Mo Farah, ayaa sheegay inuu naftiisa difaacayey oo lasoo weeraray.

Lough ayaa sheegay in Mo Farah iyo nin la tababarta oo lagu magacaabo Abi Bashir oo ku sugan qeybta jimcisiga ama gym-ka ee hotelka uu nin kale u yimid una hanjabay.

“Waan sii jeestay kadibna waxaan arkay nin hanjabaya oo raba inuu wax ku dhufto Bashir, kadibna Mo wuxuu difaacay Bashir” ayuu yiri Lough oo intaas ku daray in la doonayey in Mo Farah lagu dhufto mid ka mid ah biraha gacanta lagu qaado ee culus ee muqaha dhisa.

Mo Farah ayaa arbacadii sheegay in lacag, saacad iyo laba taleefon looga xaday hotelka Gebrselassie ee Addis Ababa, 23-kii March, wuxuuna sheegay inuu aad uga niyad jabay Gebrselassie maadaama uu awoodi waayey inuu u helo alaabtiisa.

Gebrselassie oo 46 jir ah ayaa isla arbacadii soo saaray bayaan uu ku eedeeyey Mo Farah inuu dhaawacayo gacansigiisa iyo sumcaddiisa.

Gebrselassie waxa uu sidoo kale sheegay in Mo Farah uu si aan wanaagsaneyn u dhaqmayey intii uu degenaa hotelka, islamarkaana lagu dacweeyey booliska, kadib markii uu feeray nin iyo xaaskiisa.

Gebrselassie, oo afar goor ku guuleystay tartanka orodka adduunka ayaa sheegay in Mo Farah uu hotelka ku degenaa qiimo dhimis 50% ah, sidaas oo ay tahayna uusan bixin lacagtii laga rabay oo ahayd 81,000 oo birta dalka Itoobiya ah.

Mo Farah ayaa ku jawaabay isaga oo sheegay in hadalka Gebrselassie uu yahay been lagu daboolayo fashilka hotelka ee ah in Mo Farah lagu dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com