Madax goboleedyada oo qorshe ka dhan ah DF hor-dhigay safiirka Mareykanka

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha mamaul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo Galmudug, Siciid Cabdullaahi Deni, Axmed Maxamed Islaan iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka waxaa looga wadahadlay arrimaha Amaanka, Federaaliisamka, Dimuqraadiyeynta, maalgashiga, la dagaalanka argagixisada iyo Guud ahaan mashaariicda horumarineed ee dowladda Maraykanku ka caawiso Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madax goboleedyada ay safiirka Mareykanka ku war-geliyeen inaysan la dhacsaneyn siyaasadda iyo habka dowladda Soomaaliya ay dalka ku hoggaaminayso waqtigan.

Waxa ay sheegeen inaysan muuqan in dowladda ay dalka ka hir-gelin karto doorasho qof iyo cod ah, sida lagu ballan-sanaa, islamarkaana ay ku fashilantay ammaanka caasimadda.

Saddex madaxweynaha, ayaa sida aan xogta ku helnay ka codsaday Mareykanka inuu xoojiyo la macaamilka tooska ah ee uu la leeyahay dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, oo aysan usoo marin dowladda federaalka.

Donald Yamamoto ayaa la sheegay inuu xusay in Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay waxbadan oo horumar ah ka hirgeliyeen deegaanadooda, gaar ahaan xasiloonida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo nabadda, waxaana uu safiirku xaqiijiyey inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba oo taabagasha.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com