Xog: DF oo isku bedeshay safiiradii u kala fadhiyey Switzerland iyo India

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa isku beddeshay safiiradeeda u kala fadhiyey dalalka Switzerland iyo India, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Labada Safiir ugu yeertay magaalada Muqdisho, halkaasi oo loogu sheegay go’aanka is-beddel ee laga gaaray shaqooyinka ay horey u hayeen.

Safiirkii Soomaaliya ee dalka India, Abyan Maxamed Saalax oo xilkaas haysay muddo ku dhow 12 sano, ayaa hadda loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna Ergeyga Soomaaliya ee Xafiiska QM ee Xuquuqda Aadanaha ee Geneva.

Danjire Abyan ayaa xilka safiirka Soomaaliya ee India loo magacaabay sanadkii 2007-dii, xilligii dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waana safiiraddii ugu waqtiga dheereyd dowladdihii KMG iyo tii rasmiga aheyd.

Dhinca kale, Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (Insaaniya) oo ahayd safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland iyo xafiiska QM ee Geneva ayaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee India.

Dowladda ma aysan shaacin sababta is-beddeladan loo sameeyey.

Insaaniya ayaa bishii tagtay lagu amray inay deg deg ku timaado Muqdisho, kadib markii ay ka aamustay qaraarka golaha xuquuqda aadanaha QM uu ka cambaareeyey aqoonsiga Donald Trump ee dhulka Golan Heights ee dalka Syria uu ugu aqoonsado dhul Israel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com