Maxay ka wada hadleen Sheekh Maxamed Shaakir iyo Mahad Salaad + Sawirro

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo safar ku jooga deegaan doorashadiisa ayaa kulamo kula qaatay magaalada Dhuusmareeb madaxda Galmudug.

Kulan u dhaxeeyay madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka dhacay magaalada Dhuusomareeb, waxaana kulanka ay kaga hadleen xaaladaha Galmudug.

Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kulan gaar ah oo soo dhaweyn ah uu xildhibaanka kula yeeshay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Sheekir Cali Xasan, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxda Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Xildhibaanka uga Mahadceliyay Booqashadii uu ku tegay Deegaanada Galmudug.Sidoo kale waxa uu ku Xildhibaanka ku booriyay in uu ka qeyb qaato midnimada Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dhankiisa u mahadceliyay madaxda Galmudug, wuxuuna sheegay inuu waxyaabo badan kala shaqeyn doono, sida dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanka.

Xildhibaanka ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana uu sidoo kale tagayaa deegaano galmudug ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com