Madax sare oo isugu tagay xafladda daah-furka xisbiga cusub ee Shariif

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa xilligan ka socota Hoolka Sahal ee ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4 Xaflada Daah furka Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed.

Xafladdan ayaa waxaa ka qeyb galaya oo lagu casuumay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo Mas’uuliyiin kale.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta si rasmi ah u shaacinaya xubnihiisa iyo dhoolatuskiisa siyaasadeed, iyadoo uu noqonayo Xisbigii labaad ee ugu miisaanka culus, Xisbiyadii bilihii la soo dhaafay looga dhawaaqayay Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale doonaya inuu boorka iska jafo, una sameysto isbaheysi siyaasadeed, si uu ugu diyaar garoobo doorashada soo socota ee 2021.

Nidaamka Xisbiyada badan oo la filayo in dhowaan Soomaaliya ka bilaabato ayaa noqday mid ay ka soo muuqanayaan Siyaasiyiin hore oo xilal soo qabtay, kuwaasoo ku haminaya inay dalka hoggaamiyaan.