Doorashada TURKIGA: Hal sabab darteed la filayo in Erdogan lagu soo doorto

Istanbul (Caasimada Online) – Dadka Turkiga ayaa codbixin u dareeri doona 24-ka bishan, waxaana la saadaalinayaa in dhaqaalaha dalkaas dartiis uu doorashada ku guuleyso xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP.

Dhaqaalaha ayaa la filayaa inuu noqdo qodobka go’aamiya doorashada, ayada oo Turkiga uu ka gudbayo nidaamka baarlamaaniga ah, una gudbo mid madaxweyne kadib is-beddelkii lagu sameeyey dastruukii dalkaas sanadkii tagey.

Doorashada ayaa ku dhici doonta xaaladda deg degga ee dalka ka jirtay tan iyo afduubkii fashilmay ee la isku dayey bishii July ee sanaddii 2016, kaasi oo lagu eedeeyey wadaadka degan Mareykanka ee Fethullah Gulen.

Marka ay timaado dhaqaalaha, doorashada ayaa imaneysa ayada oo dhaqaalaha dalkaas uu sanaddii tagtayna kordhay 7.4%, taasi oo aad loola dhacay.

Dadka ayaa aaminsan in Erdogan iyo xisbigiisa kaliya ay joogteyn karaan guulaha noocaas ah.

“Isbeddel lagu sameeyo dowladda waxay sii xmeyn doontaa un xaaladda iyo kalsoonida Turkey, sidaas darteed ma jiri doonto maal-gelin iyo shaqooyin” Waxaa sidaas yiri dukaanle lagu magacaabo Kus.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com