27.7 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Doorashada xubnaha golaha shacabka oo goordhow ka dhaceyso laba magaalo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo xarumo u ah maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay ka dhacaan doorashooyinka xubnaha golaha shacabka.

Xubnaha u tartamaaya doorashada ayaa waxaa iminka lagu diyaarinayaa xarumaha ay doorashada ka dhaceyso, sida uu sheegay Maxamed Keynaan oo ah Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya.

Maxamed Keynaan, waxa uu sheegay in maanta si wada jir ah ay u dhici doonto labada doorasho, waxa uuna intaa raaciyay in guul ay noqoneyso haddii ay si nabadgalyo ah ku dhacdo labada doorasho.

Maxamed Keynaan, waxa uu sidoo kale, sheegay in si wanaagsan ay u socdaan howlaha Doorashooyinka ee dalka, islamarkaana rajo wanaagsan ay ka qabaan in si qurux badan ay usoo dhamaadaan.

Doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka cusub kadib ayaa waxaa lagu wadaa in loo guda galo doorashada Madaxweyninimo ee dalka oo wakhtigii loo qabtay ay ka harsan tahay maalmo kooban.

Amaanka magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaana waddooyinka qaar la dhigay ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo xakameynaaya dhaqdhaqaaqa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News