Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Burundi ayaa weli ku adkeysaneysa go’aankeeda ku aadan la bixitaanka Ciidamada ka jooga Somalia ee qeybta ka ah AMISOM.
Go’aankaani ayaa waxaa sii xoojiyay kadib warbixin kooban oo kasoo kala baxday Xafiisyada Wasiiradda Gaashaandhiga iyo Amniga Qaranka ee dalka Burundi, Emmanuel Ntahomvukiye iyo Alalin Gulliaume Bunyoni.
Labada Wasiir ayaa sheegay in dowlada Burundi ay ka go’an tahay inay la baxdo Ciidamada ka jooga Somalia ee qeybta ka ah AMISOM.
Emmanuel Ntahomvukiye iyo Alalin Gulliaume Bunyoni, waxa ay qaadashada go’aankaasi sabab uga dhigeen kadib markii Burundi ay garwaaqsatay in Howlgalka AMISOM aan laga siin kaalinteeda.
Labada Wasiir waxay arrintaasi ku sababeeyeen arrimo la xiriira Hoggaaminta, iyagoo tilmaamay inaysan Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM wax Darajo Hoggaamineed ku dhex lahayn AMISOM.
Waxa ay sheegen inay muhiim aheyd in awooda Ciidamada AMISOM loo kala qeybiyo dowladaha qeybta ka ah AMISOM, balse ay u muuqaneyso in awooda ay kusoo koobantay laba Dowladood.
Wasiirka Difaaca Burundi ayaa sidoo kale sheegay in Tallaabada Ciiddanka Burundi looga soo saarayo Somalia ay u baahan tahay in wada-xaajood lagala yeesho Ururka Midowga Afrika, Muwaadiniinta iyo Barlamaanka Burundi.
Sababta labaad ee Burundi ay ula baxeyso Ciidamadeeda jooga Somalia ayaa ah inaan mushaar la siin Ciidamadooda jooga Somalia kadib, markii ay Midowga Europe joojiyeen Mushaarkaasi.
Dowlada Somalia iyo Taliska AMISOM weli kama aysan hadal go’aanka kasoo yeeray Dowlada Burundi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

