Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland, ayaa sheegaya in wadahadal dhanka Telefoonka ah uu dhexmaray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.
Labada Madaxweyne C/kariin Gulleed iyo C/wali Gaas oo qadka Teleefoonka kuwada hadlaayay ku dhawaad Toban iyo Shan daqiiqo ayaa waxa ay si qoto dheer uga wadahadleen Dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo iyo sida lagu dhaqan galinkaro heshiiska burburay.
Wadahadalka labada Mas’uul ayaa waxaa ka danbeeyay Wakiilka QM u qaabilsan Somalia Mr Keating, waxa uuna ujeedka wadahadalka ahaa in laga gudbo colaada dhiigabadan uu ku daatay.
C/kariin Guuleed iyo C/wali Gaas waxa ay isla qaaten xal ah in si degdeg ah lagu hakiyo dagaalka isla markaana la tixgaliyo Heshiiska labada dhinac ay wada galeen.
Guuleed iyo Gaas waxa ay ku balameen in Jimcaha fooda nagu soo heysa ay isku arkaan magaalada Gaalkacyo si halkaasi loogu dhameeyo colaada labada dhinac ka dhextaagan.
Waxa ay sidoo kale, isla fahmeen inaan meel kale lagu xalin colaada maadaama goobta dhiiga lagu daadinaayo ay tahay Gaalkacyo.
Labada maamul ayaa muddo laba jeer jabiyay Heshiisyo ay kala saxiixdeen, waxaana hadda lagu wadaa in Heshiiskaani uu waxbadan ka duwanaado kuwii hore.
Dowlada Somalia iyo Beesha Caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga digay dhibaatooyinka ka dhalankarta hadii uu sii socdo dagaalka.
Docda kale, wadahadalka labada mas’uul ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay dagaalkii ugu dhimashada badnaa.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

