Doorashadan Farmaajo ma wuxuu noqon doonaa boqor mise boqor-sameeye?

By Caasimada Online

Kaddib doorashadii Guddoonka Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa waxaa soo baxaya is waydiimo aan wali laga jawaabin oo ku saabsan fursadaha uu haysto madaxweynaha haatan xilkiisu dhammaanayo iyo caqabadaha ku gudban dib u doorashadiisa.

Qormadan kooban waxaan ku eegayaa laba fursadadood, oo aragti ahaan aan is leeyahay, waa hortaalla Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu uga badbaado dharbaaxooyinkii ku dhacay Madaxweyneyaashii isaga ka horreeyay kuwaasoo boorsooyinkooda ka xirxirtay Villa Somalia iyaga oo aan saameyn ku lahayn qofkii baddalay.

Xogo sugan oo ay ila wadaageen Sanataro ka tirsan Golah Aqalka Sare ayaa ii xaqiijiyay in dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ay sabab u ahaayeen Sanataro taabacsan Villa Soomaaliya oo ay hormuudka u yihiin kuwa laga soo doorto Koonfur Galbeed, iyaga oo dhabarka ka jabiyay Senator Saalax Axmed Jaamac oo ay Villadu dagaal aan qarsooneyn la gashay. 

Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu ahaa hormuudka mucaaradkii gilgilay  Madaxweyne Farmaajo 5-tii sano ee uu fadhiyay Villada, wuxuuna Guddoomiyah Aqalka Sare iska diiday muddo kordhintii ay sameeyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sidoo kale Guddoomiye ka noqday madal ay aasaaseen Midowga Musharixiinta iyo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug taasoo loogu magac daray Golaha Badbaadada Qaranka.

Hase yeeshee, Villa Somalia oo dagaalkaas ba’an uu dhexmaray Guddoomiye Cabdi Xaashi waxay kaalin mug leh ka qaadatay dib u doorashadiisa. Haddii ay dhici lahayd inay garab istaag u muujiso Wasiirka Dastuurka Sanatar Saalax Axmed Jaamac waxaa hubanti ahayd inuu si xarrago leh ku qaadan lahaa booskan. Tallaabadan lama filaanka ah waxaan ka baranaynaa in markii ay Villa Somalia ka saqiireen labadii Musharax ee ay ku taamaysay, waa Wasiir Cismaan Abokor Dubbe iyo Wasiir Saalax Axmed Jaamac e, inay ka door-biiday kursiga kusoo celisay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Arrinta labaad ee la yaabka ku noqotay dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya waxay ahayd in markii Nabad iyo Nolol looga adkaaday doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay riixayeen Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Mudane Xasan Cabdinuur, uuna kusoo baxay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran inay baddaleen shaxdii ciyaarta ee tartanka Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad. 

Musharaxa Villa Soomaaliya Mudane Maxamed Wali Cabdalla Axmed oo hoggaaminayay wareega koowaad ayaa isaga haray tartanka si loo dhiso Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kaalinta 3-aad ku jirtay, wuxuuna baarlamanka ka hor sheegay inuu taageerayo Sacdiya, kana codsaday xildhibaanadii Villada inay ayada u codeeyaan. 

Isbahaysiga wareegga labaad ee Nabad iyo Nolol iyo Musharax Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar wuxuu barida dhulka ugu dhuftay isbahaysigii Himilo Qaran, Puntland iyo Jubaland ee lagu dhisaayay Musharax Maxamed Cali Cumar (Caananuug). Qorshahan wuxuu keenay kala shaki ku yimid isbahaysigii Puntland iyo Jubaland, wuxuuna farriin u diray musharixiin badan kuwaasoo haatan ku loolamaya inay xulafaysi la sameeyaan Villa Somalia. Xildhibaan Caanonuug ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kooxdiisii ay ku milantay kusii ay dhufeyska iskula jireen oo uu ula jeedo Villa Somalia. 

Musharixiinta qaar ayaa haatan bilaabay qorshe ay hoos ugu dhigayaan dagaalka ay ku hayeen Villa Somalia maadaama haddii Farmaajo gaari waayo bartilmaameedkiisa uu ku khasban yahay inuu codadka u wareejiyo musharaxa uu u arko inay kooxdiisa kula midoobi karto dhismaha Xukuumadda soo socota. 

Casharka laga bartay doorashadan waxa weeye in Farmaajo uu ka heli karo Golaha Shacabka codad ku dhaw 100, taasoo ay usii dheertahay ugu yaraan 20 xubnood oo Aqalka Sare ah, waxayna wadarta uu heli karo wareega koowaad lagu qiyaasayaa 120 ilaa 130, inkasta oo ay suurta-gal tahay inaysan intaas gaarin.

Haddii Farmaajo uu gaaro tiro intaas la eg, wuxuu xulafaysi la yeelan karaa musharaxa ugu macquulsan ee uu kula shirkoobi karo dowladda, haddiise uu ka hoos maro 100 sidii ku dhacday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu rarkiisa u wareejin karaa 3-da musharax ee soo gudba midka uu doono. 

Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah, Madaxweyne Farmaajo ma heli doonaa xulafo siyaasadeed oo ka qeyb qaadan karta dhismihiisa wareega labaad haddii uu cudud xoog leh soo bandhigo? Yuuse dhisi karaa wareega labaad haddii uu socon waayo sidii ku dhacday musharixiisa Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad oo makrafoonka ka sheegay inuu u tanaasulay Xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo mucaarado xooggan ku haysay kooxda taageerada u fidisay ee Nabad iyo Nolol?

Isku soo wada duuboo, doorashooyinkii Labada Guddoon ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabku waxay bannaanka soo dhigeen awoodda Madaxweynaha xilkiisa sii dhammaanayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana hubaal ah inuu noqon doono laba midkood; Boqorka ama Boqor-sameeyaha doorashada loo madlanyahay labada usbuuc ee nagu soo aaddan, oo macnaheedu yahay inuu madaxweyne noqdo ama madaxweyne soo dhiso. 

Maxamed Jaamac Xersi
Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.